Horyaalka premier league ga ayaa maalintii shalay ahayd la dheelay waxaana isku arkay kooxo badan. Kooxda hogaanka haysa ee arsenal ayaa la ciyaaraysay kooxda Leicester City taasoo ay arsenal ka badisay kuna sii dheeraysatay hogaanka.
Kooxda arsenal ayaa u muuqata koox sanadkaan ay ka go,antahay hanashada horyaalka premier league ga waxa ayna markasta dadaal ugu jirtaa sidii ay hogaankeeda usii difaacan lahay. Waxaana ka muuqata dhiiranaan aad u badan taaso niyada usii dhisaysa dhamaan taageerayaasha kooxda.
Sidoo kale waxaa iyana goolal badan ku badisay kooxda kaalinta 2 aad kujirta ee Manchester city taaso 4 iyo 1 kaga badisay kooxda Bournemouth, kooxda man City oo wayahaan ay ka muuqatay habacsanaan dhanka ciyaarta ah ayaa xalay ciyaar aad loo wada jeclaystay soo bandhigtay waxayna u muuqatay mid kacsan oo isku dayaysa inay u tartanto horyaalka ciyaaraha.
Sidoo kale kooxda Liverpool ayaa barbaro lagashay kooxda Crystal Palace oo gurigeeda joogta. Kooxda Liverpool ayaa u muuqata mid aad u taag daran wayahaan danbe waxayna hada fursad u haysataa in ay kaalmaha afraad u tartanto waa hadi ay dhibco fiican heshee,
W/q moha alpha
0 Comments