Kooxaha arsenal iyo man City ayaa xalay waxaa dhex martay ciyaar adag oo katirsan tartanka premier league ga taasoo ay guushu ku raacday kooxda man City oo hada noqotay hogaamiyaha horyaalka walow ay goolal ku hayso.
Kooxda arsenal oo marti loo ahaa ayaa hogaanka haysay waxayna asbuucyadii u danbeeyay wajahaysay xaalada hoos u dhac ah.
Waxaa goolasha ku hormaray kooxda Martida ahayd ee man City waxaana goolka koowaad u dhaliyay ciyaartooyga khadka dhexe ee debruyne kadib markii uu ka faa iidaystay kubad uu isku khalday mid kamida daafacyada arsenal, haafkii ciyaarta intii uusan dhicin kooxda arsenal waxay la timid bareejadii waxaana gool ku lead u dhaliyay ciyaar yahanka weerarka uga dheela ee Sak.
Markii lasoo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta waxaa hogaanka mar labaad qabatay kooxda man City waxaan dhaliyay ciyaar yahanka Jack grealish waxaana sii kululaatay ciyaarta oo arsenal waxay ku dadaalaysay sidii ay goolkaas u keeni lahayd hase ahaate mar labaad ayaa afka ciida laasii daray kadib markii uu gool ka dhaliyay xidiga lama joojiyaanka ah ee haaland. Waxayna kusoo dhamaatay ciyaartii 3 iyo 1 waxaana hogaanka la wareegtay kooxda man city
W/q moha alpha
0 Comments