Ciyaar adag oo xamaasadeeda wadata ayaa caawa laga wada sugayaa dhamaam daafaha caalamka ciyaartaan ayaa ah mid aad looga xiiseeyo dhamaan qaaradaha aduunka. Waana ciyaar marka ay soo galayso ay usii diyaar garoobaan daawashadeeda kumanaan iyo malaayiin qof ee ku kala nool daafaha caalamka.
Kooxahaan ayaa caawa isaga hor imaanaya garoonka wayn ee kooxda real madrid ee santiyeego Bernaabuu waxa ayna ciyaari doonaan koobka lagu magacaabo copa del Ray kaaso ah koob aad u xiiso badan.
Kooxahaan ayaa caawa midiba mida kale midiyaha u afaysanaysaa si ay tan kale qoorta u hor dhigto labadaan kooxood ayaa waxaa ka dhexeeya xifaaltan in badan soo jiray waxayna isaga hor yimaadeen ciyaaro aad u fara badan oo midba mar dhulka afka ciida loo darayay.
Waqtiga ciyaarta
11:00 pm
W/q moha alpha
0 Comments